Axmed Karaash oo Shir-guddoomiyey Shirka maamul baahinta Puntland (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey shirka maamul baahinta Puntland oo ay ka qeybgaleen Wasaaraddaha kushaqo leh sida Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Qorsheynta, Howlaha Guud, Haweenka, Maaliyadda iyo Tamarta, Biyaha iyo Macdanta.

Wasaaradaha ka shaqeynaya maamul baahinta ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland warbixin ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay, sida horumarka Wasaaraduhu ka gaareen maamul baahinta ,shaqooyinkii u qabsoomay iyo guulaha laga gaaray qorsheyaashii lagu dejiyay shirarkii ugu danbeeyay ee ku saabsana maamul daadajinta.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada socota, waxaana uu kula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta wasaaraddaha in lasii dardargeliyo shaqada si adeega dowladdnimo loo gaarsiiyo dhammaan dadweynaha reer Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading