Axmed Madoobe miyuu kusoo laabanayaa Xamar?

Waxaa jira cadaadis,dadaal iyo baayac la rabo in Axmed lagu soo celiyo Xamar iyo Shirka B&K Wadanka.

Dadaalka iyo baayaca,waxaa wada Xasan Sh oo toos ula xiriiraya Axmed,isla markaana Gacmo kalana adeegsanaya.

Cadaadiska,waxaa wada BC oo ay QM ugu horayso,waxayna isku dayayaan in ay sameeyaan dhex-dhexaadin.

Ujeedka BC,waa in aan lakala tagin oo khilaafka Wadanka ka jira sii xoogaysan oo intii wada socotay aysan sii kala tagin.

Wefti ka socda BC oo uu hogaaminayo Swan,ayaa tagi doona Kismaayo si ay Axmed ula kulmaan.

Ilaa iyo hada dadaalka iyo baayactanka Xasan,wax waa ka badali waayeen Axmed,balse cadaadiska BC,ayaa lawada eegayaa saamaynta uu ku yeesho.

Hadii Axmed badalo mowqifkiisa oo dib ugu soo laabto Xamar,waa is gowracay.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading