Axmed Madoobe oo booqday goobo Al Shabaab laga xoreeyay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Deeganadan oo kal hore laga saaray Kooxda Al Shabaab ayuu Axmed Madoobe sheegay in ay Ciidamadu shaqo wanaagsan ka qabteen, dhawaana la bilaabi doono howlgalo cusub oo lagu xoraynayo deegaanada kale ee Gobolka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu halkan ku sugan yahay la kulmi doona Sarakiisha iyo Ciidamada Jubbaland ee howlgalada ka wada deegaanadan.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa socdaalkan ku weheliya Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha qaybta Afartan iyo Sadexaad Guutada Kow iyo Tobnaad iyo Sarakiil kale.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading