Axmed Madoobe oo gaaray Nairobi, ka qeybgalaya kulamo xasaasi ah

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas uu uu uga qeybgalayo kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa la kulmaya qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee u taagan hoggaanka Soomaaliya iyo wakiilo ka socda dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka reer galbeedka iyo khaliijka carabta.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ku biiray kulamo uu ka waddo magaalada Nairobi Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo la sheegay inuu kamid yahay musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading