Axmed Madoobe oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaanna kuwa Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Wuxuu madaxwaynuhu ALLE uga baryay ummadda in dambigooda dhaafo, waxaana uu kula dardaarmay in ay iscafiyaan si Eebbe inoogu wada naxariisto.

Madaxwayne Axmed ayaa hambalyo u diray masuuliyiinta Dowladda ee labada golle, shaqaalaha iyo howlwadeenada Dowladdada, ciidammada qalabka sida ee Jubbaland ee had iyo jeer u taagan difaaca amniga ummadda, Xaasaska iyo carruurta ciidammada qalabka sida, iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxwaynaha ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay dadka reer Jubbaland in ay adkeeyaan midnimada, wadashaqeynta, iyo isu-naxariisashada dhexdooda ah si Rabbi inoogu wada naxariisto.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading