Axmed Madoobe oo ku hungoobay safarkiisii Muqdisho

Axmed Madoobe,waxuu uyimid Xamar Laba Qodob oo kala ah…

1.In la mideeyo dagaalka argagixisada Wajigiisa Labaad.

2.In dhaqaalaha,Saadka iyo Ciidanka wax laga siiyo Maamul ahaan.

Axmed waa ku qaday codsigiisa oo Xasan waa ku Gacansayray.

“Hubka,Dhaqaalaha iyo Ciidankuba Anaga naga badna”Ayuu Xasan ku yiri Axmed.

“Sidoo kale dagaalka isku mar mawada bilaabi karno oo naguma filna awooda aan heli karno hada”Ayuu Xasan ku yiri Axmed markale.

Waxaa fashilmay qaybtii JL iyo KG ee Wajiga Labaad dagaalka argagixisada,kaasoo ay fulin lahaayeen Ciidamo isku dhaf ah.

Itoobiya oo hogaamin lahayd hawlgalka,ayaa hakisay Ciidankeedii,waxayna ku dooday in aysan helin taageero dhaqaale iyo mid Qalab oo ay ka sugaysay Maraykanka iyo Imaaraadka.

Wal walka ugu weyn ee Axmed Madoobe haysta,waa Laba Arimood oo kala ah…

B.In Shabaabka lasoo didiyo usoo guuro Jubbooyinka.

T.In Dowlada Xasan hubayso Beelaha Jubooyinka.

Wajigii hore ee dagaalka argagixisada,waa fashilmay,halka kii Labaadna la waayay Saadkii,Dhaqaalihii iyo Ciidankiiba,waxuuna Xasan rabaa maaweelo kooban in uu ka sameeyo Ceelbuur.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading