Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu uga qeyb-galayo Aaska AUN Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin, oo ku geeryooday Qarax Ismiidaamin ah oo maanta lala beegsaday.

Axmed Madoobe ayaa gelinka hore ee berrito kusoo laaban doona Muqdisho, oo uu isla berri ka furmayo Shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah, kaas oo lagu go’aaminayo hanaanka doorashooyinka 2020/2021.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading