Axmed Madoobe oo kulan la qaatay qaar kamid ah Senatorada Jubbaland

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Ayaa maanta kulan la qaatay qaar katirsan Senatarada Jubbaland ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha wakiilada Jubbaland iyo wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Jubbaland.

madaxwaynaha ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaana arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Kismaayo.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading