Axmed Maxamed Islaan, ayaa mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo oo ay kula tartamayeen 3 musharrax.
Madoobe oo la saadaalinayay in uu kusoo baxayo doorashada, ayaa daqiiqado ku dhawaaqista loo dhaariyay xilka, waxaana uu jeediyay khudbad uu kaga hadlay waxa xiga dib u doorashadiisa.
Waa markii saddexaad oo uu Axmed Madoobe loo doorto Madaxweynaha Jubbaland. Dib u doorashadiisa ayaa kusoo aadaysa xilli ay diidan tahay DFS.
Madaxweynaha ayaa farriin u diray dowladda fadaraalka Soomaaliya, isagoo sheegay in diyaar uu u yahay la shaqeeynteeda.
DFS ayaa si adag u diidaneyd doorashada ka dhacday Kismaayo, waxaana guuldareystay isku dayo ay doonaysay in lagu carqaladeeyo.
IDILNEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.