Axmed Madoobe oo qaliin ku galay Kenya

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maalmo kahor qaliin ku galay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, kaddib bilo uu wajahayay xaalad Caafimaad.

Xaalada Caafimaad ee Axmed Madoobe ayaa haatan wanaagsan, iyadoona lagu guuleystay qaliinkiisa, waxaana lagu wadaa inuu maalmo kaddib uu kusoo laabto Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filin in marka uu kusoo laabto Magaalada Kismaayo uu magacaabi doono Guddiga Doorashooyinka 2020/2021 ee heer Dowlad Gobaleed.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading