Baahida Somaliya ma tahay Safiiro cusub oo la Magacaabo?

Shirkii Golaha Wasiirada Fadaraalka ee laga filayay isbadal lagu sameeyo Dowlada,waxaa kasoo baxay Laba Qodob kala ah….

1.Siminaar lagu sheegay Dowlad Wanaag.

2.Magacaabida Laba Safiir.

Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir,ayaa loo Magacaabay.

Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir,ayaa loo Magacaabay.

Xaalku Wadanku,waa cakiran yahay,waxaana qabsoomi waayay Shirkii Madasha oo awalba ay PL banaanka ka joogtay.

Sidoo kale,waxaa taagan khilaaf meel ba’an maraya oo dhaxeeya KG iyo Villa Somaliya.

Dalku,waxa uu kaloo wajahayaa…

1.Midnimo la’aan baahsan.

2.Dowladnimadii koobnayd oo sii daciifaysa.

3.Amni xumo.

4.Dhaqaale xumo.

BC,ayaa abaabulaysa Todobaadkan Shir ay ku qabtaan Xalane oo ay iskugu keenaan Madaxda Somalida.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading