Baarlaamka Itoobiya oo ka doodaya mooshin ka dhan ah Madaxweyne Sahle-work

Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay maanta magaalada Addis Ababa ku yeeshan kulan xasaasi ah.

Kulanka ayaa waxaa ay uga doodi doonaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha dalkaas Sahle-Work Zewde.

Warar isa soo taraya ayaa tilmaamaya in laga yaabo in qof Soomaali ah loo magacaabo madaxweynaha Itoobiya, maadaama Soomaalidu ay hadda ka maqan tahay xilalka sare ee dalkaas.

Qaar kamid ah Warbaahinta Caalamka ayaa si aad ah u qoreeysa mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Itoobiya, xilli Maalin ka hor la caleemo saaray Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading