Baarlamaanka Fadaraalka Oo ansixiyay Heshiisyo

Gollaha baralmaanka Federaalka oo ku guda jira kulankoodii 19-aad Kalfadhigiisii lixaad,ayaa ansixiyay labo heshiis.

Kalfadhigan oo uu shirgudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxman,ayaa waxaa lagu ansixiyay Heshiiska Ilaalinta Hidda Dhaqameedka Aan La Taaban Karin iyo Heshiiska Khuseeya Ilaalinta Hiddaha Dhaqanka Iyo Hiddaha Dabiiciga ah.

140-Xildhibaan,ayaa ogolaaday,waxaana ka aamusay 4-Mudane wax diiday majirin, Sidaas ayuuna ansax Ku Noqday.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxman,ayaa gabagabadii kalfadhiga wuxuu Sheegay In Golaha uu Maalin walba uu Shaqayn doono Ilaa Iyo laga Ansixinayo sharci doorasho dalkan uu Yeesho


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading