Xildhibaanada baarlamanka maamulka GalMudug ayaa maanta u codeeyey lix xubnood oo maamulkaas uga mid noqona doona Aqalka Sare ee Baarlamanka Fadaraalka Soomaaliya.

Xubnaha la doortay,ayaa kala ah..
1.Saciid Siyaad Shirwac,
2.Yuusuf Geelle Ugaas
3.Cabdi Axmed Dhuxulow.
4.Samsam Daahir Maxamuud
5.Cabdixakiim Macallin Axmed
6.Duniyo Maxamed Cali.

Dhammaan xubnahan,ayaa loogu codeeyey qaab gacan taaga ah, ayada oo aanay jirin cid la tartantay kadib markii xubnihii la loolami lahaa ay sheegeen in ay tanaasuleen.

Saddex ka mid ah xubnahan oo kala ah; Yuusuf Geelle Ugaas, Cabdi Axmed Dhuxulow, Samsam Daahir Maxamuud ayaa dib loogu doortay kuraastii ay ku fadhiyeen, halka saddexda kale ay cusub yihiin.

Galmudug ayaa noqotay maamulkii afaraad ee qabta doorashada Aqalka Sare, hase yeeshee waxaa jirta laba kursi oo weli maamulkaas ku harsan, kuwaas oo aan la shaacin musharaxiinta u tartamaya.

Horey waxaa doorashada Aqalka Sare u qabtay maamullada Jubaland, Koonfur Galbeed, iyo Puntland, ayada oo maamulka Puntland uu yahay kan doortay dhammaan xubnaha uga midka noqonaya Aqalka Sare, oo ah 11 Senator.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.