Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ilaa 112 mudane ayaa ogolaatay, 5 mudane waa ay diiday halka 6 kalena ay ka aamuseen, sidaasi dareedeed Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ansax yihiin golaha Wasiirada.
Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in wixii maanta ka bilowda ay Golahaasi Wasiirada qabsan karaan waajibaadka ka saaran u adeegidda shacabka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa dhawaan waxaa uu isku shaandheyn ku sameeyey Golaha Wasiirada, kaddib markii ay soo baxeen baahi loo qabo wax ka bedelka qaab dhismeedka Golaha Wasiirada.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.