Baarlamaanka oo ansixiyay Xeerka Biyaha Puntland

Garoowe, November 14, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada ahna ku-simaha Guddoomiyaha Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Xildhibaannada Golaha oo maalmihii la soo dhaafay ka doodayey hindise-xeereedka Kheyraadka biyaha Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey guud ahaan qodobada xeerkan, waana markii ugu horeysay oo xeer loo sameeyo habka isticmaalka & soo saarista biyaha deegaanada Puntland.

Ugu dambeyn, Golaha waxaa loo qaybiyey wax-ka-badalka xeerka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah, waxaana lagu wareejiyey Guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta oo akhris-ka 2-aad ku soo sameyn doona islamrkaana Golaha horkeeni doona sabtida soo socota ee 19-ka bishan hadii Alle idmo.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading