Baarlamaanka PL Ee mudo xileedkan oo ka mid noqday mid ka mid ah kuwii ugu macnaha badnaa

Waa dhab Baarlamaanadii Puntland soo maray mid ka mid ah kuwii ugu qiimo badnaa,ayaa udhismay mudo xileedkan.

Waxaa ku jira Dhalinyaro firfircoon,kuwo heer dhexe ah iyo Waayeel.

Waxaa ku jira Dad Aqoon bilow ah leh,kuwo Aqoon dhexe wata iyo kuwo Aqoon sare leh.

Waxaa ku jira,Dad khibrad Shaqo oo heer sare ah leh oo soo jireen ah,waxaana lagu tilmaami karaa Sadex Meelood oo meel in ay ka yihiin Baarlamaanka.

Waxaa ku jira Dad qiyamkoodu fadhiyo oo ay ku weyn tahay Puntlander-nimadu ahna soo jireen la socda isrogroga Siyaasada Geeska Afrika.

Madaxweyne Deni,wuxuu door ku lahaa soo dhisida Baarlamaankan,waxaana muuqata in uu wax ka bartay xulistii Baarlamaankii Fadaraalka ee aadka loogu dhaliilay Dadkii uu udiray Xamar.

Waxaa xusid mudan in talada Dowlada cusub lagu soo dhisayo ay wax ku yeeshaan Baarlamaanka si loo helo Dowlad sal baaalaran.

Puntland Shaqo xoog badan ayay ubaahan tahay si ay uguulaysato.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading