Baarlamaanka PL oo meel mariyay Ajandaha Kalfadhigooda

Garoowe, June 22, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL, oo ay soo xaadireen 49 Mudane.

Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah 54-aad ee Goluhu ka shaqeyn doono, mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad (faqrada 4-aad) ee Xeer-hoosaadka, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan Axada berri ah.

Maalinta berri ah oo taariihdu tahay 23/Juun/2024 oo Mudanayaashu yeelan doonaan fadhiga 3-aad ayaa si rasmi ah loogu qaybin doona ajandaha maanta la ansixiyey, hadii Alle idmo.

-DHAMMAAD-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading