Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka+VIDEO

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa goor-dhaweyd cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Odoraska Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka oo ka badan 346 Milyan oo doollar.

44-mudane oo fadhiga maanta joogay ayaa dhammaantood u codeeyey miisaaniyaddan oo Todobaad hore la horkeenay.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda ay la ansixiyay, islamarkaana loo baahan yahay in loo gudbo hanaanka Maareynta Miisaaniyadda.

Miisaaniyadda maanta ay ansixiyeen xildhibaanada Puntland ayaa ah midkii ugu badneyd abid tan iyo markii la aas aasay Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading