Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wasiirada cusub

Garoowe: 11 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta horgeeyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumadda .

Madaxweynuhu wuxuu Golaha la wadaagay qorsheyaasha xukuumadda oo ay sal u ahaayeen Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda , wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda.

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ka dhegaystay Aqoontooda iyo khibradooda shaqo, kadibna waxay ku ansixiyeen cod aqblabiyad ah iyadoo 54Mudane oo kulanka joogay dhammaan gacanta u taageen ansixinta xukuumadda cusub, sidoo kale waxaa uu Baarlamaanku ansixiyey qorshe Siyaasadeedka xukuumadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ansixinta xukuumadda kadib u mahadceliyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, wuxuuna la wadaagay in la xoojin doono wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda, si loo horumariyo adeegyada Dowladnimo ee loo hayo Shacabka Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa munasabadda kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xildhibaanadda Golaha Wakiillada, Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada, Golaha Garsoorka, saraakiil Madaxtooyo iyo martisharaf kale.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading