Baarlamaanka Puntland Oo ansixiyay Xeerar muhiim ah

Waxaan maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Hindise xeereedka Forensic Science ka oo ka kooban 28 qodob ayaa golahu waxay Maalinimadii khamiista ahayd qodob qodob uga doodeen uguna codeeyeen 16 qodob oo ka mid ah, halka maanta ay Golahu ka doodeen uguna codeeyeen 12 qodob, sida uu dhigayo Qodobka 70-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo ah in xeerkasta qodob qodob looga doodo looguna codeeyo.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 36 mudane ayaa Golahu waxaa uu si guud ugu codeeyey Hindise xeereedka Forensic Science ka, waxaa ogolaaday 33 mudane halka 3 mudane ay ka aamuseen cid diidayna ma aysan jirin, sidaas ayuuna xeerkaasi ansax ku noqday.

Ugu dambeyn waxaa golaha loo qaybiyey qabyo qoraalka qorshaha istiraatiijiga ah ee 2019-2024 ee Golaha Wakiilladu ku shaqayn doonaan, Golaha ayaana soo akhrinaya, waxaana dib la isugu soo laabanayaa maalinimada birrito ah.

ALLOW DHAWR PUNTLAND🙏


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading