Baarlamaanka Puntland oo Cod Aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Xukuumadda Cusub (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Xukuumadda ee uu soo dhisay Madaxweyne Deni, kuwaas oo maanta la Hor-geeyay.

63 kamid ah Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Puntland oo soo xaadiray  kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad, ayaa Ansixisay Golaha Wasiiradda Puntland ee uu dhawaan soo magaacabay Madaxweyne Dani.

Xildhibaanada ayaa Illaa saaka dhageysanayay Taariikh nolaleedka Xubnaha kamidka ah Xukuumadda cusub, kuwaas oo uu Madaxweynuhu ka dalbaday inay ansixiyaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntaland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Xildhibaanada uga mahad-celiyay siday uga aqbaleen Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay, Isagoona sheegay inay dhisidiidii ku qaadatay Waqti dheer iyo Juhdi.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading