Baarlamaanka Puntland oo codka kalsoonida u qaadaya Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa saaka yeelanaya kulankoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen Guddoomiyaha cusub.

Xildhibaanada ayaa kulankooda maanta uga hadli doona Ajandayaal dhowr ah oo uu kamid yahay Ansixinta Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominaya Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Guddiga KMG ah ee e Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC), ayaa waxaa magaacabay Madaxweyne Deni, iyadoona la filayo in Ansixintooda kaddib ay dardar-geliyaan shaqadooda si sanad cusub gudihiisa ay u qabtaan Doorashooyin Degaan oo qof iyo Cod ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading