Garoowe: Diseembar 13, 2021: Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa warbixino la xiriira xaaladaha abaaraha, amniga iyo arrimaha bulshada lagaga dhegeystay madax-guddiyeedyada, waxaana guddigu isla qaatay in ay galaan fasax muddo bil ah, lana isu soo noqdo 13/01/2022 si loo dardergeliyo hawlaha shaqo ee Guddiyada Joogtada ah.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.