Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya Xeerka Warbaahinta

Garoowe: Luuliyo 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-badelka Xeerka Warbaahinta Puntland.

Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hayo warbaahinta, horumarinta warbaahinta gaarka ah ah iyo ta Dawladda, ku wacyigelinta bulshada ee ku dhaqanka diinta islaamka iyo xakameynta been abuurka baraha bulshada.

iyadoo Goluhu qodob-qodob uga dooday, kadibna u ansixiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, Waxayna maanta Goluhu ka shaqeeyeen ilaa qodobka 40-aad, iyadoo inta ka harsana maalinka berri la sii amba qaadi doono.

 

Halkan ka daawo Dooda

 

DHAMMAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading