Baarlamaanka Puntland oo la horkeenay hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland

Garoowe, 12,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan & Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Golaha ay u soo gudbiyeen warbixin ku saabsan hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland, kaas oo Goluhu curiyey, waxaana Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta hindise-xeereedkan oo muhiim u ah Puntland, doodaas oo socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo qodobka 58-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading