Baarlamaanka Puntland oo Lacag ka badan $20 kun oo dollar ugu deeqay Wadada Ceeldaahir – Ceerigaabo (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa maanta ku wareejiyey Guddiga Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo $20,910 dollar oo u dhiganta 299 Foosto oo daamur ah.

Wareejinta dhaqaalaha looga qeyb-qaadnayo dhameystirka waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa qeyb ka aheyd balan-qaadkii Baarlamaanka ee Shirweynihii daah-furka Ololaha Qof iyo Foosto ee Baarlamaanka balan qaadeen 367 Fuusto January 6, 2021.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa si shaqsi ah uga qeyb-qaatay 100 foosto oo daamur ah, halka 199 foosto kalena ay kaga qeyb-qaateen Xildhibaanada iyo Hawl-wadeenada Golaha, halka Golaha Baarlamaanka DPL ay ku hartay 68 Foosto oo daamur ah oo ay wareejin-doonaan Guddiga Bisha May, 2021.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading