Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan yeeshay (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 48 Mudane ayaa looga dooday Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, Dood dheer kadib, Waxaa Goluhu ansixiyey Ajandaha rasmiga ah oo ka kooban 13-qodob, Waxaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday 46 xubnood, waxaa ka aamusay 2 mudane, mana jirin cid diiday.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading