Baarlamaanka Puntland oo Mooshin ka gudbiyay Xubnaha Maxkamadda sare (Akhriso)

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo cuskanaya qodob kamid ah Dastuurka dowladda Puntland iyo xeer-hoosaadka Baarlamanka, ayaa mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay, xubnaha Maxkamadda sare ee Puntland oo ay ku eedeeyeen caddaalad-darro iyo musuq maasuq baahsan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in xubnaha guddiga Maxkamadda sare ee Puntland ay dulmi iyo caddaalad-darro baahsan kula kacaan bulshada ay u qabtaan adeegyada garsoorka, islamarkaana ay musuq maasuq ku sameeyaan hawlihii garsoorka ee loo xil-saaray.

Xildhibaananda mooshinka gudbiyay ayaa Golaha wakiilada Puntland ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan xubnaha maxkamadda sare ee Puntland maadaama sida ay sheegeen xubnuhu ay gabeen shaqadii loo igmaday.

Xubnaha Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland waxay ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah guddoomiyaha guddoomiye ku xigeenka iyo saddex garsoore waxayna ku shaqeeyaan go’aan wadareed iyadoo mudada xil-hayntoodu tahay 5 sannadood.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading