Garoowe, November 26, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2023 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 3, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2023 taasoo dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar).

ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan,ayaa noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ka soo xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan Gobollada Puntland.

Miisaaniyadda Dawladda 2023 waxaa ku jira kab miisaaniyadeed oo wadar ahaan dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondaysan $1,856,286 oo la la filayo in laga helo beesha caalamka, kabkaas oo loo qorsheeyey in lagu daboolo farqiga u dhexeeya dhakhliga iyo kharashka gudaha.

Wadarta guud ee dhakhliga gudaha iyo kabka dhakhliga,ayaa noqonaya dakhli dhan $119,487,960 taas oo bishii ku qoondeysan $9,957,330.

Kharashka,ayaa u kala qoondaysan Hay’adaha Dawladda ee kala ah; Hay’adaha Adeegga maamulka, amniga , cadaaladda, dhaqaalaha iyo Hay’adaha adeegga Bulshada.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.