Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 49 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka DPL iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.
Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 48 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.
Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Wasiiradda, Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dawlayaasha kala ah;
- Axmed Yaasiin Saalax
Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda DPL - Axmed Yuusuf Qahar ( Labayk )
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda DPL - Rashiid Maxamuud Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda DPL - Jamaal Carab Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL - Drs. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska DPL - Dr. Caarshe Maxamed Siciid Aw Muuse
Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL - Maxamed Cabdullahi Axmed ( Libaaxe)
Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha DPL - Cabdalle Cali Maxamed ( Xashaawe)
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL - Maxamuud Caydiid Dirir
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska DPL - Khadar Faarax Maxamed
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL - Xassan Cabdalle Xassan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL - Leylo Cabdi Cartan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DPL - Aamino Maxamed Cabdullahi
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska DPL - Cali Cumar Carshe
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda DPL - Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda DPL - Qaasim Maxamed Yuusuf
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha, iyo Gaadiidka Badda DPL - Cabdulqaadir Maxamed Suleymaan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL - Shaakir Maxamed Guuleed
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL - Nuur Shiikh Daahir Shiikh Nuur
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Beeraha DPL - Axmed Ibraahim Cawaale
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare DPL - Cabdinaasir Aadan Gows
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DPL - Mustafe Cabdifitaax Maxamed
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL - Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL - Yuusuf Axmed Maxamuud ( Barre Faatax)
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL - Maxamuud Ismaaciil Jaamac ( Ciyoon)
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL - Cabdullahi Maxamed Ciise ( Qoor-dhuub)
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DPL
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.