Baarlamaanka Puntland oo xilka qaadis ku samaynaya Madaxweyne Deni

Fadhiga Baarlamaanka ee Berri waxay ubadan tahay in Xildhibaanadu Labadan Qodob uga xaajoodaan,kuwaasoo kala ah…

1.In ay ujawaabaan Maxkamada oo ay duraan go’aankeeda,iyagoo ku dhaliilaya in Xubnaha soo saaray aysan Sagaal gaarsiisnayn.

2.In ay mudooyeen Maalinka ay dhacayso Cod uqaadida Mooshin laga keenayo Madaxweynaha oo xilka looga qaadayo.

Labadaas Qodob,waxay usamaynayaan bajin ay Madaxweynaha uga raadinayaan dabac ah in uu wax uga ogolaado Xubnaha Gudiga khilaafaadka.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya Laba Qodob oo kala ah…

1.In ay kala dirayaan Maxkamada.
2.In ay Madaxweynaha xilka ka qaadaan haday uhelaan Kooramka 44-ah.

Sidoo kale,waxaa macquul ah in aysan Labadaas Qodob taaban oo ay sii daayaan Lifaaqa Doorashada,soona afjaraan muranka.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading