Baarlamaanka Somaliland oo diiday xasaanad ka qaadida Xil.Abiib

Golaha Wakiilada Somaliland,ayaa maanta kulan deg deg ah oo ay Hargeysa ku yeesheen ku diiday codsi uu horey ugu gudbiyay Xeer Ilaalinta Somaliland oo ay dowladdu ku dooneysay in xasaanadda looga qaado Xildhibaan Maxamed Abiib.

Go’aankan Golah Wakiilada,ayaa yimid maalin kadib markii Ciidamada Somaliland ay Garoonka Hargeysa ka qabteen oo ay xireen xildhibaanka.

57 Mudane oo fadhiga ku sugnaa,ayaa 51 ka mid ah diiday eedaha loo soo jeedinayay Xildhibaan Abiib, Saddex Mudane,ayaa taageeray, halka Laba kale ay ka aamuseen.

Go’aankan,ayaa meesha ka saaraya dacwadda ka dhanka ah Xildhibaanka ee Baarlamanka hor taalay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading