Baarlamaanka yurub ayaa muujiyey in ay garab taagan yihiin Ehelladda dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii bishii October 14-dii iyo 28-keedii ka dhacay magaalladda Muqdisho oo ay ku geriyoodeen ugu yaraan 358 qof, kuna dhaawacmeen 228 kale.
Baarlamaanka Europe, waxay Qoraalkooda walaac kaga muujiyeen Xaaladda Cunto-yarida ee ka jirta Soomaaliya, waxayna sheegeen in 3 million oo qof ay ku nool yihiin xaalada cunto yari .
Xildhibaanadda Barlamaanka Europe waxay ugu baaqeen Dowladaha ku jira Midowga Europe inay DFS ka taageeraan sidii loo xajiin lahaa Maareynta Maaliyadda Qaranka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa Dib-u-eegista Dastuurka Qaranka.
Dib u eegista dastuurka soomaaliya ayay sheegeen inay bixinayaan kharashaadka ku baxaya oo gaaraya malaayiin dolar .
Xildhibaanadda Barlamaanka Europe waxay kaloo sheegeen in Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya loo adeegsado in lagu maalgeliyo Dagaalladda, waa sida ay hadalka u dhigeen, waxayna ugu baaqeen Guddiga QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia inay adkeeyaan mamnuucista Dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.
Waa markii ugu horaysay baarlamaanka yurub uu yeesho dood aad u dheer oo ku saabsan Xaalada Soomaaliya .
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.