Baay: Al-Shabaab oo 5 Ruux ku toogatay Degaanka Yaaq-barwaaqo

YAAQ-DARWAAQO (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Yaaq-Baraawe ee gobolka Baay, waxa ay ku toogteen 5 Nin oo ay sheegeen inay Sirdoon u ahaayeen Dowladaha Reer Galbeedka.

Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Yaaq Baraawe, waxaana dadka la toogtay ay Magacyadooda ay Shabaab ku kala sheegeen.

1: Aadan Muuday Maxamad

2: Ayuub Xasan Maxamed

3: Maxamed Isxaaq Xasan

4: Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq.

Xubno ka tirsan Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolka Baay oo goobta ku sugnaa ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dilka lagu fuliyey ay qirteen dambiyada ay galeen.

Si kastaba Ururka Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka maamulaan gobolada dalka waxa ay ka fuliyaan xukuno isugu jira dilal, Gacan-Goys iyo Xukuno kale.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading