Bajaajleyda magaaladda Garoowe oo dooratay Hoggaan cusub (VIDEO)

Bajaajleyda ka shaqeysa magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta doortay Hoggaan cusub, kuwaas oo xilka heyn doona muddo hal sanno ah, kana shaqeyn doona hormarinta Bajaajleyda Garoowe.

Ergo dhan 78 oo kamid ah mulkiilayaasha bajajta ka shaqeysa magaaladda Garoowe, ayaa ka qeyb-qaadatay doorashada oo aheyd mid gacan taag ah.

Guddoomiyaha Bajaajleyda Garoowe ayaa loo doortay Maxamed Yuusuf Jaamac oo helay 46 cod, halka Gudoomiye kuxigeenka Bajaajleyda Garoowe loo doortay Cabdirashiid Muuse Maxamed oo helay 31-cod.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading