Balli-doogle: Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhintay shil diyaaradeed

Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa ku geeryooday shil diyaaradeed oo ka dhacay agagaarka deegaanka Balli-doogle ee gobalka Shabeellaha hoose oo uu ku yaallo saldhigga ciidamada DANAB ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya.

Aabe Cabdirisaaq Sheekh Maxamed Faarax, oo dhalay mid kamid ah dhallinyarada geeryooday ayaa sheegay in wiilkiisu uu ahaa askari lagu tababarayay saldhiga Ballidoogle, uuna dhintay kadib markii diyaarad Helicopter ah oo laga leeyahay Mareykanka, ayna tababar ku qaadanayeen ku timid cilad sababtay in ay burburto.

Shilka diyaaradeed ayaa dhacay casar liiqii shalay. Tirada dhallinyarada ku dhimatay shilka diyaaradeed ayaa gaaraya 5, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Duuliyihii Diyaarada oo Cadaan ahaa ayaa la sheegay in uu soo gaarey dhaawac halis ah dhabarkana uu ka jabey.

Dhallinyarada ayaa kamid ahaa Ciidanka Kumaandooska ee DANAB, xilliga uu shilka dhacay ayay ku jireen tababar. Wararka ayaa intaa ku daraya in uu socdo baaritaan la xiriira dhicitaanka diyaaradda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading