Banaan-bax ka socda Garoowe iyo D/hoose oo eedeyn u jeedisay mudaharayaasha+Sawirro

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa dhigaya banaan-baxyo rabshado, kaas oo ka dhashay kaddib dil Ciidanka Boolisku ay xalay u geysteen askari kamid ah Ciidanka Milateriga.

Askariga la dilay ayaa hub la dhex-marayay gudaha Caasimadda Garoowe, waxaana Ciidanku ku amreen inuu hubka dhigo, kuna soo wareejiyo Booliska sugaya amniga, balse wuu ka dhaga adeegay, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa dalbanaya in Cadaaladda la hor-keeno Ciidankii dilka u geystay askariga Milateriga ah, iyagoona sidoo kale Taayaro ku gubay Barxadda Garoowe oo ah kasoo hor-jeedka Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Duqa Degmada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Axmed Siciid Muuse, oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa dhaliilay banaan-baxayaasha oo uu ku tilmaamay Rabshad wadayaal, isagoona ugu baaqay Ciidanka Booliska inay tilaabo adag ka qaadan, kuwa burburinaya hantida Danta guud ah.

“Laamiyadu waa hantida umadda ka dhexaysa, una baahan in qof kasta dhankiisa ka illaaliyo. Hadda kuwa gubaya taayiradda waa in gacmaha la qabtaa oo laga joojiyaa dhibaatada iyo kharbudaadda ay hantida guud u geysanayaan. Police ku waa inay sharciga mariyaan qaswalayaasha. In wax la burburiyaa waa sahlan tahay, in wax la dhisaana waa adag tahay” ayuu bartiisa Facebook kusoo qoray Duqa Caasimadda Puntland.

Dowladda Puntland ayaa dhowaan mamnuucday in Hub iyo Gaadiid dagaal lala dhexmaro Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana ay ugu digtay Ciidanka Milateriga ah inay soo galaan gudaha Magaalada iyagoo hubeysan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading