Banaan-bax ka socda magaalada Kismaayo

Banaanbax ay dhigayaan Shacabka ayaa ka socda Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ka xun dil xalay Kismaayo loogu geystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada ugu caansan deegaannada Jubbaland.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanayaan in la cadeeyo, cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka, iyaga oo sheegay in dilkaasi uu yahay mid siyaasadeysan oo aysan ka dambeyn Kooxda Al-Shabaab.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading