Banaan-bax maalintii Labaad ka socda Magaalada Boosaaso (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Banaan-bax looga soo hor-jeedo Go,aankii Dowladda Puntland ay ku xirtay Marsada iyo Suuqa kalluunka ee Dekedda Boosaaso, ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

banaan-baxayaasha oo saaka isigu yimid bartamaha Magaalada Boosaaso, ayaa xiray wadada halbowlaha ah ee Magaalada, iyagoona ku dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay uga soo hor jeedaan tilaabada Dowladdu ku xirtay Suuqa kalluunka ee Necfish.

Sidoo kale, Banaanbaxayaasha oo isugu jira rag iyo dumar ayaa xasiigyo ama darmooyin ay ku fariistaan dhintay wadada laamiga ah, gaar ahaan Aargada gaaca.

Dadka banaan-baxaya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, in si deg deg ah wax uga qabto cabashadooda, maadama ay yihiin dad nolashooda ka raadsada Goobaha ay dowladdu xirtay eek u dhex yaalla Dekedda Boosaaso.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading