Banaan-baxyo rabshado wata ayaa saacadihii lasoo dhaafay gilgilay Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobalka Sool, kuwaas oo looga soo hor-jeedo Maamulka Somaliland, waxaana banaan-baxyadan ka dhashay khasaare.
Dadka Banaan-baxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya Erayo ay uga soo hor-jeedaan Maamulka Somaliland oo dhibaatooyin fara-badan ku haya Shacabka, sidoo kalena dhawaan dil u geystay wiil dhalinyaro ah.
Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa rasaas u adeegsanaya dadka banaan-baxa dhigaya, waxaana ku dhaawacmay illaa 10 Ruux, oo saddex kamid ah dhaawacoodu liito, sida uu Raadiyaha Dowladda Puntland u sheegay mid kamid ah Shacabka Magaalada Laas-caanood.
Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News.





Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.