Banaan-baxyo weli ka soconaya Degaanada Jubbaland (Sawirro)

Banaanbaxyo ayaa maalintii saddexaad ka soconaya Degaanada Jubbaland, kuwaas oo looga soo horjeedo xariga ay Dowladda Federaalka Soomalaiya u geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

Boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool deegaano ka tirsan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo, ayaa dhigaya banaan-baxyadan, waxana maanta ay ka dhaceen Deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa horay u sheegay in qaab afduub ah loo heysto Wasiirka Amniga Jubbaland, iyada oo Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ay sheegeen in Cabdirashiid Janan uu galay dambiyo kala duwan, isla markaana baaritaano ay ku socdaan.

C/rashiid Janan ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading