Banaanbaxyo lagaga soo horjeedo isfahanka Itoobiya iyo SL oo ka dhacay Boorame

Maanta,waxaa ka dhacay Magaalada Boorame oo xarunta Gobolka Awdal bannaanbax markii hore loo soo abaabulay in lagu taageero is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya ee bishan kowdeedii ka dhacay Addis Ababa.

Balse markii dambe,wuxuu isku bedelay banaanbixii mid lagaga soo horjeedo is-afgaradkaas.

Dadka banaanbaxayeya,ayaa u badnaa dhalinyaro, waxayna socod ku mareen wadooyinka magaalada Boorama.

Lugahaya oo ah Deegaan Xeebeedka laysku afgartay in Itoobiya ay ka samaysato Saldhig Badeed oo Ciidan,ayaa ku taal Gobolka Awdal,waana midaas mida macnaha gaarka ah.

Bannaanbaxa,ayaa kusoo dhammaaday si nabadgelyo ah.

 

https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1744007065675169804?t=eGA8Y2jUvBMaWFzOjv4J0A&s=19

 

 

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading