Bandhiga Buugaagta Nugaal oo Garowe ka furmay

Garoowe: 19 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Nugaal, oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Buugaagta lagu soo bandhigay Kulanka, wuxuuna muujiyay sida Dowladda ay muhiimad gaar ah u siinayo Afka, dhaqanka, Qoraalka iyo Akhriska. Isagoo ku dhawaaqay in Dowladdu ay sameynayso guddi qora sooyaalka taariikhda Puntland iyo marxaladihii kala duwanaa ee lasoo maray.

Bandhigga Buugaagta ee Nugaal, ayaa waxaa kasoo qeybgalay qorayaal iyo abwaano Isaga kal yimi Gobollada kala duwan ee Soomaaliya, waxaana inta uu socdo halkaasi lagu soo bandhigaya Buugaag kala duwan iyo sheekooyinka ku duugan.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading