Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ku amray laamaha Amniga Galmudug in degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud uu Maanta ka dhaqan-galo Bandow inta laga xaqiijinayo Amniga Magaaladaas, kaddib dil ka dhacay.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale laamaha Ammaanka Galmudug waxaa uu faray inay gacanta kusoo dhigaan maleeshiyaadka hubeysan ee labada qof ee Shacabka ahaa saaka ku dilay degmada Cabudwaaq.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Galgaduud Korneyl Dhagahoor ayaa sheegay in ay ku raad jogaan dadkii dilkaasi ka dambeeyay, sidoo kalena Magaalada Cabudwaaq ay ku so rogeen badow ka bilaabanaya 11:30 am.
Dhacdada manta ka dhacday Dagmada Cabudwaaq ayaa daba socota anooyin qabiil oo Mudo soo jiray, waxaana degmadaasi ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug sanadihii la soo dhaafay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.