Bandowgii Gobolada Puntland oo habeenkii labaad galay

Dowlada Puntland waxay soo togtay bandow socda habeenkii labaad guud ahaan Gobolada.

Ujeedka Bandowga,ayay Dowladu ku sheegtay in looga gol leeyahay yaraynta khatarta caabuqa Corona Virus.

Bandowgan,ayaa bilowda 6-Makhribnimo socdana ilaa 5-ta aroornimo.

Dadka falanqeeya arimaha amaanka,ayaa ku doodaya Bandowgu haduusan wadan qorshe amni oo looga faa’idaysanayo in uu noqon doono ismuujin iyo waan joognaa,taasina jawaab uma noqon doonto xaalada adag ee taagan!!!.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading