Bangiga Adduunka waxa uu ku dhawaaqay Barnaamij cusub oo Somaliya ah

Bangiga Adduunka waxa uu ku dhawaaqay Barnaamij cusub oo Shan sano ah oo lagu magacaabo “Country Partnership Framework (CPF)” oo loogu talagalay Soomaaliya.

– CPF waxaa loogu talagalay in ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha dowlad deggan, muuqata,sharci ah oo awood u leh bixinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee loo dhan yahay, iyo dhismaha adkeysiga dowladda.

– Barnaamijka CPF waxa uu daba socdaa horumarka Soomaaliya ay ka samaysay markii ay gaartay Heerka Dhammaystirka Barnaamijka Waddamada Saboolka ah ee Deynta Culus lagu leeyahay (HIPCs) bishii Diseembar 2023.

– CPF waxaa loogu talagalay in lagu yareeyo faqriga iyo in sidoo kale lagu hagaajiyo nolosha dadka Soomaaliyeed iyada oo la adeegsanayo istaraatiijiyad wadajir ah oo dhex marta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Soomaaliya.

– CPF Waxaa la dejiyay iyadoo lala tashanayo daneeyayaasha kala duwan ee Soomaaliya waxa ayna waafaqsan tahay ujeedooyinka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9-aad (National Depevelopment Plan – 9) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

– Barnaamijka CPF waxa uu taageerayaa aragtida mustaqbalka Soomaaliya ee 2060, waxaana saldhig u ah falanqaynta muhiimka ah ee dalka laga sameeyay.

– CPF waxa uu bixin doonaa taageero maaliyadeed iyo farsamo si loo taageero ajendaha horumarineed ee Soomaaliya.

– Barnaamijka CPF waxa uu ku qotomtaa aragtida Bangiga Adduunka ee abuuritaanka dunni ka madhan saboolnimo oo lagu noolaan karo, iyadoo xoojinaysa adkeysiga dhaqaalaha Soomaaliyeed, dadkiisa, iyo deegaankaba.

– CPF waxay xoogga saaraysaa adkeysiga dhaqaalaha, bulshada, iyo deegaanka, iyadoo ka jawaabeysa caqabadaha caalamiga ah sida isbeddelka cimilada, helitaanka tamarta nadiifka ah, dijitalaynta, iyo ilaalinta kala duwanaanshaha noolaha.

– IFC (Internatioanl Financial Copration) waxa ay taageeri doontaa dib-u-habaynta iyo sidoo kale waxa ay soo jeedin doontaa talooyinka maalgelinta Dalka.

– MIGA (Multilateral Investment Guarantee Agency) waxa ay raadin doontaa in ay siyaasidiso oo ay ballaariso maalgashiyada tamarta cagaaran kadib maalgashigeedii ugu horreeyay ee sanadkii 2023.

– Inkastoo Soomaaliya ay tahay meel halis badan dhanka maal gashiga, balse Bangiga Adduunka waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray isu keenidda iyo la shaqaynta la-hawlgalayaasha horumarinta (Development Parners).

– Portfolio-ga Soomaaliya ee Bangiga Adduunka haatan waa $2.3 bilyan oo ka kooban 22 mashruuc.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading