Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 28-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta,ayaa waxaa hor-yimi Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Dawladda Puntland Cabdirisaaq Warsame Seeraar oo ay Weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga iyo Agaasimaha Guud ee Bankiga.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa ka warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada,ayaa Guddoomiyaha Bankiga Dhexe wax ka weydiiyey arrimaha Bangiga Dhexe ee Dawladda sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64aad, 111aad, Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobka 62.6 iyo Xeerka lagu dhisay Bangiga dhexe Dawladda Puntland oo soo baxay 2000.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.