Barcelona oo maryaha laga saaray si adagna loo garaacay

Ciyaaraha horyaalka kooxaha Yurub oo xalay dhacay. Ciyaartii ugu xiisaha badnayd waxay dhexmartay kooxaha Paris St-Germain iyo Barcelona.

Barcelona waxaa looga badiyay afar gool iyo eber. Waxaana labo gool oo ka mid ah dhaliyay Di Mario oo dalka Argentine u dhashay.

Awood ahaan aad baa looga gacansareeyey Barcelona, waxaana waxba tari waayay weeraryahanadii caanka ah ee kooxdaasi.

Cavani oo isna u dheela kooxda Paris St-Germain ayaa ahaa laacib xalay wacdaro weyn muujiyay.

Is-arag kale ayaa labadan kooxood dhexmari doona. Waxay kooxda Paris St-Germain tagi doontaa garoonka kooxda Barcelona.

Caawa waa ciyaari doona Arsenal iyo Bayer Munich oo isku arki doona garoonka kooxda kooxda Bayern ee dalka Germany


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Barcelona oo maryaha laga saaray si adagna loo garaacay"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading