Bari: Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhiga Ciidanka Puntland

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig Ciidammada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee buuraleyda gobalka Bari.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka weerarkan ayaa dhacay aroortii hore ee saaka, Al-Shabaab ayaana tiro madaafiic ah kusoo tuurtay saldhiga Ciidammada, iyadoo Ciidammada Daraawiishta Puntland ay ugu jawaabeen madaafiic kale.

Ma jiro ilaa hada khasaare la ogyahay oo ka dhashay weerarkan madaafiicda ah ee Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Daraawiishta Puntland ee deegaanka Af-Urur.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading